Faah faahin iyo Sawiiro, Khasaare loo geystay Beeraleyda Shimbiraale ee Duleedka Garowe

0
47
Beeralayda deegaan Shimbiraalle oo katirsan Gobolka Nugaal ayaa maamulka Gobolka Nugaal u gudbiyey cabashooyin kusaabsanaa kadib markii dad reer miyi ah ayaa ka burburiyey qalabkii beerta lagu waraabin jiray , qalabka ayaa isugu jiray matooro, sollaro , baabuur iyo ceelal la bur buriyey .
Beeralayda ayaa sheegay in loo  gaystay khasaaro aad u xoogan   , qalabka la burburiyey ayey sheegeen in  kharashkoodu ku ka cayo lacag ka badan halmalyan oo dollar .
Kulanka ay cabashadda maanta ku dhuubanayeen ayaa waxa uu ka dhacay xarunta maamulka gobolka nugaal , waxaana kasoo qayb galay gudoomiyaha gobolka nugaal Cumar Cabdullahi Faraweyne .
Sidoo kale waxaa kulanka cabashadahaa ka soo qayb galay nabadoona gobolka nugaal iyagoona sheegay in loo baahan yahay in xal waara laga gaaro dhibaatada khasaare ee loogaystay dadka beeralayda ah .
Gudoomiyaha gobolka nugaal Cumar Cabdullahi Faraweyne ayaa sheegay in maamulka gobolka nugaal uu wax ka qabandoona cabashada ay u soo gudbiyeen dadka beeralayda ah ee dhibaatada xoogan loo gaystay xoolahoodi .
Wadadamadda hormar ayaa waxaa la sheegaa inay ku hormareen wax soo saarka beeralaha dhulkooda kasoo baxa , gaar ahaan wax soo saarka mirraha ka kooban .
Dhibaatadda ugu weyn ee dadka soomaaliyeed ka haysta in wax la beero ayaa ah dhanka fahan oo aysan fahansanayn in beeruhu yihiin muhiim .
Dadkan beeralayda ah ayaa waxay sheegeen in cidkasta oo waxgarad ah inay arintaan u istaagaan waxna ka qabtaan .
SAWIRRO
SHARE
Previous articleBarnaamijka Bandhiga Faadumo 31 Aug 2018
Owner and managing director